Madaxweyne Xasan: “Dadka Somaliyeed digniin ayay u tahay weerarka ay Shabaab ku qaadeen Puntland”

0
91

MAD

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa wuxuu maanta ka hadllay duulaanka Ururka Al Shabaab ee deegaanada nabdoon Puntland, si ay u carqaladeeyaan nabadda ka jirta.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegay in dadka Somaliyeed ay farriin digniin ah u tahay weerarka uu Ururka Al Shabaab ku qaaday dhulka ku teedsan Xeebaha Puntland, isla-markaana aanay jirin cid ay dhaafayaan.

“Dadka Somaliyeed digniin ayay u tahay weerarka ay Shabaab ku qaadeen Puntland. Nin ay dhaafayaan malaha, nin ay ku qabiil yihiin malaha, waxaa la rabaa in dadka Somaliyeed ay meel kaga soo wada jeestaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

WARARKA FILIMADA IYO ATOORAYAASHA RIIX HALKAAN SI AAD U AKHRISID

Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in dagaalku uu Shabaab ku qaaday Puntland aanu waxba kama duwanayn midkii ay horey kaga wadayn Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

“Dagaalka nabadiidka uu ka wado dhulka Puntland dhexdiisa waxba noogama duwana dagaalka ay ka wadaan Gobolada Hiiraan, Shabellaha Dhexe, Shabellaha Hoose, Baay, Bakool iyo Gobolka Galgaduud.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu cadeeyay in Dowladda Somaliya ay Puntland kala qayb qaadan doonto dagaalka ay Al Shabaab kula jirto, wax kastaa oo ay kari karto, isagoo dhinaca kalana shacabka reer Puntland ku ammaanay sida ay ugu midoobeen dagaalka Al Shabaab.

“Dowladdu wax kasta oo ay kari karto way kaga qayb qaadanaysaa dagaalka lagula jiro AlShabaab. Shacabka reer Puntland sida ay ugu midoobeen la dagaallanka Al Shabaab waan idinku bogaadinayaa, markasta dowlad ahaan iyo shacabka Soomaaliyeed way idin garab taaganyihiin waana laga guuleysan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKA UGU KULUL SIYASADA EE MAANTA RIIX HALKAAN

Madaxweyne Xasan, ayaa hadalkan ka jeediyay kulan lagu soo xiraayay hannaanka loo maraayo Dhismaha Dowladaha Hoose iyo sida ay ula shaqayn karaan Dowladda Dhexe, oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xafiis wareedka Markacadeey.com

NO COMMENTS