Falaanqeynta Kulanka La Liga Ee Real Sociaded Vs Real Madrid, Los Blancos Oo Si Ku Meel Gaar Ah U Qaban Karta Hogaanka Horyaalka La Liga

0
102

real-sociedad-real-madrid-600x0-c-default

Real Madrid ayaa sii wadi doonta halgan keeda ay ugu jirto horyaalka La Liga marka ay u safraan kooxda Real Sociedad iyo garoonkooda dhibka badan ee Aneota.

Kulanka: Real Sociedad Vs Real Madrid

Garoonka: Aneota

Saacada Geeska Afrika: 5:00 Galabnimo

Wararka Labada Koox:

Kadib barbarihii goolal la’aanta ahaa ee ay todobaad dhamaadkii hore la galeen, Real Sociedad ayaa xaqiijisay iney xili ciyaareedka danbe sii ciyaari doonto horyaalka La Liga iyadoo wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin sadexda kulan e eu hartay horyaalka.

Sociedad ayaa kulankaan waaayi doonta adeega Carlos Martinez iyo Imanol Agirretxe oo dhaawacan halka ganaax uu ku maqnaananayo Carlos Vela taasoo fursadaha weerarka ku yareyneysa macalin Eusebio kaasoo filaya inuu garabka weerarka caawiya ee Bruma  uu weerarka kala ciyaarsiiyo Mikel Oyarzabal.

Dhanka Real Madrid, kadib barbarihii goolal la’aanta aheyd ee ay lasoo galeen kooxda Man City kulankii Champuons league, waxaa qasab ku ah iney wali sugaan 90 daqiiqo oo kale maadaama uu kulankaasi yahay wali mid aan go’aan laga gaarin.

Maclainka Real Madrid ee Zidane ayaana heli doonin adeega Cristiano Ronaldo, kaasoo seegay kulankii ugu danbeeyay ee Champions League ee Man City kadib dhibaato dhanka suulka ah, waxaana la filayaa inuu soo laabto kulanka Bernabeu sidoo kale Karim Benzema ayaa isna seegaya kulankaan waxaana la filayaa in Jese Rodriguez iyo Lucas Vazquez a boosaskooda buuxiyaan halka  James Rodriguez uu rajyenayo inuu kulankaan ciyaaro sidoo kale Raphael Varane ayaa la filayaa inuu ku bilowdo daafaca iyadoo la nasin doono Pepe.

Ma Ogtahay:

Sociedad ayaa kaliya hal guul ka gaartay 17 dii kulan ee u danbeysay ee horyaalka ay la ciyaareen Real Madrid iyagoo qaatay 13 guuldaro, halka guul ayaa timid markii ay Anoeta ugu soo garaaceen 4-2 bilowgii xili ciyaareedkii hore.

Tan iyo markaas, Real Madrid ayaa ku garaacday Sociedad 4-1 iyo 3-1 kulamo ka dhacay Bernabeu sidoo kale sagaal gool ayeey ka dhaliyeen labadii kulan ee ay la kulmeen kooxda Basque oka dhisan xili ciyaareedkii 2013-14.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Socieda:Rulli; Zaldua, Elustondo, I.Martinez, Yuri; Illarramendi, Reyes, Bergara; Mikel, Bruma, Zurutuza

Real Madrid:Navas; Danilo, Ramos, Varane, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Vazquez, Jese, Bale

NO COMMENTS