WARBIXIN: Madax Waynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Iyo Zinedine Zidane Oo Ku Kala Aragti Duwan Qorshaha Xili Ciyaareedka Danbe Ee Madrid, Wax Badan Ka Ogaw Waxyaabaha Ay Isku Diidan Yihiin Ama Isku Raacsan Yihiin

0
35

Madrid-Plan-638x398

Real Madrid ayaa haddaba sugaysa in ay ogaato dhamaan kooxaha kula soo biiri doona wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga oo ay todobaadkan u soo baxeen kooxaha PSG, Wolfsburg iyo Benfica laakiin wali waxa la sugyaa afar kooxood oo kale si loo sameeyo quri tuurka ama isku aadka wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga.

Balse inta ay Real Madrid sugayso isku aadka Champions Leaque-ga waxa ay si wayn ugu mashquulsan tahay qorshaynta xili ciyaareedka danbe in ka badan inta ay ku mashquulsan tahay xili ciyaareedka hadda oo ay Madrid ka maqan tahay Copa Del Rey isla markaana ay ka quusanayso ku guulaysiga La Ligaha.

Haddaba madax waynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa doonaya in uu sii qorsheeyo ciyaartoyda kooxda laga iibin doono iyo kuwa ay Los Blancos suuqa kala soo wareegi doonto si ay kooxdiisu iskugu diyaariso xili ciyaareedka danbe. Laakiin Perez iyo Zidane ayaa waxyaabo badan ku kala duwan.

Ugu horayn macalin  Zinedine Zidane ayaa doonaya in aan la soo hadal qaadin ciyaartoyda kooxda laga diri doono ama kuwa iman doona inta ay kooxdiisu ku sii jirto tartanka Champions Leaque-ga wuxuuna diidayaa in ay arintaasi saamayn ku yeelato bandhiga ciyaartoyda kooxda laga iibin doono xagaaga. Zidane ayaa doonaya in ciyaartoydu ay kaliya diirada saarto Champions Leaque-ga isla markaana aan suuqa lagu khalkh galin bandhigooda. Balse arinta Perez iyo Zidane ayaa ku kala arigti duwan.perez-zidane-1455043102403

Florentino Perez ayaa diyaarinaya qorshe wayn oo ciyaartoy badan lagu badalayo si mashruuc cusub looga aas aaso Santiago Bernabeu waxayna sidoo kale Zidane iyo Perez wali ku kala duwan yihiin qaar ka mid ah ciyaartoyda ay Madrid doonayso.

Tusaale ahaan Zidane ayaa si buuxda u aaminsan goolhaye Keylor Navas oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Madrid laakiin Perez ayaa heshiis kula jira David De Gea oo maalintii suuqii xagaaga ugu danbaysay uu burburay heshiis uu Madrid ugu soo biirayay. Zidane ayaa Navas u arka in uu ka soo bixi karo shaqada goolhayaha kowaad isla markaana mushaarkiisa la kordhiyo sidaa daraadeed Perez iyo Zidane ayaa ku kala duwan goolhaye Navas iyo De Gea.Navas and De Gea

Zizou ayaa Madrid ka doonaya Paul Pogba laakiin xidhiidhka aan fiicnayn ee uu wakiilka Pogba ee Mino Raiola uu la leeyahay Perez ayaa dhibaato ku noqon karta, waxa kale oo uu Zidane doonayaa xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard laakiin Perez ayaa xidiga ree Belgium u arka mid aan qaab ciyaareedkiisa joogtayn karayn, waana kala duwanaansho kale oo Zidane iyo Perez ka dhex jirta.pogbaWaxa intaas dheer in madax wayne Perez uu doonayo in uu Madrid keeno xidiga kooxda Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang laakiin macalin Zidane ayaa aaminsan in keenida Aubameyang ee Madrid in ay soo gabagabayn doonto fursadii uu siinayay da’yarka Madrid ka soo baxay ee Borja Mayoral kaas oo uu doonayo in uu fursad badan siiyo.

Maxay Florentino Perez iyo Zinedine Zidane heshiis ku yihiin?Zidane and Perez

Haddii aan soo sheegnay waxyaabo ay Zidane iyo Perez ku kala aragti duwan yihiin waxaa jira waxyaabo ay heshiis ku yihiin isla markaana kooxda wax wayn ku soo kordhin karta. Perez iyo Zidane ayaa ka midaysan in kooxda saxiix looga sameeyo difaaca bidix waxayna samaysteen saddex bartilmaameed oo kala ah David Alaba, Wendell iyo Ricardo Rodriguez.David AlabaWaxa kale oo ay heshiis ku yihiin in Real Madrid ay la soo wareegto laba difaac dhexe iyada oo da’da Pepe ay hadda waynaatay halka ay xisaabta ku darsanayaan hoos udhaca qaab ciyaareedka Sergio Ramos ee xili ciyaareedkan iyo in ay perez hore iskugu soo dhaceen. Real Madrid ayaa bartilmaameedkeeda kowaad ka dhiganaysa saxiixa Aymeric Laporte oo ka tirsan Atheltic Bilbao oo ay sidoo kale doonayaan kooxaha Barcelona iyo Manchester United. aymeric-laporte-cropped_65sslgaif2ef1wtdsgehru7me

Laakiin arinta ugu adag ayaa ah in Zidane uu doonayo in aan qorshahan la dhaqaajin inta ay kooxdiisu ku jirto tartanka Champions Leaque-ga si qolka labiska Madrid ayna wax kale uga fikirin isla markaana ay diirada ku hayaan tartanka kaliya ee ay u arkaan in ay koobkiisa xili ciyaareedkan ku guulaysan karaan.

NO COMMENTS